Somaliska

Ma doonayaa ururkaaga inuu ka mid noqdo barnaamijka Digidel?

Dalkan iswiidhan ayaa waxaa badanaaba loo baahan yahay kombiyuutar iyo telefoonka gacanta si qofku u dhameesto hawlaha bankiga, inuu u codsado koorasyo waxbarasho iyo shaqooyin iyo inuu u qabto hawlo kale.

Sidoo kale ayaa haddana waxay dad badan u arkaan iney dhib tahay in la isticmaalo kombiyuutarada iyo internetka. Barnaamijka Digidelnatverk waa shabakad ay hayádo ay ka mid yihiin maktabadda akhriska buugaagta, ururada waxbarashada iyo ururo kale ku yeeshaan wadashaqeyn kor loogu qaadayo ka qayb qaadashada habka lambarada (digital) ee dalka iswiidhan. Iskaashigaa iyo hawlo firfircooni kala duwan ayaa waxay dad badani fursad u helayaan iney isticmaalaan adeegyada kombiyuutarka ee dalka iswiidhan.

Ma doonayaa ururkaagu inuu ka mid noqdo barnaamijka Digidel? Nala soo xiriir!

Ma u baahan tahay in lagaa caawiyo inaad isticmaasho adeegyada ku salaysan internetka? Markaa waxaa laga yaabaa inaad ka qayb qaadato mid ka mid ah hawlaha Digidel. Warbixin dheeraad ah ka doono maktabadda buugaagta ee kuugu dhaw.*

*Si fiican baad ula socotaa in maktabada buugaagta ee iswiidhan ay tahay lacag laáan una furan tahay dadka deggan oo dhan?